Saturday, November 11, 2006

Caafimaadka Dhimirka

Caafimaadka Dhimirka
Waxaa iska kaashaday :

Iyo
SHARE XAFIISKEEDAN HARGEISA

Hargeisa, Somaliland
•Phone +252-2: 428 544 /426 388 /527 308
•Email: anwarzip25@hotmail.com
Contact Person: Anwar Haji Awad




Cutubyada
Cover page ........................................................................................................................................................... 1-2
Mahadnaq................................................................................................................................................................... 3
Muqaddimo................................................................................................................................................................. 5
RIIQDA AAFADA IYO DHACDOOYINKA ARGAGAXA LIHI REEBAAN IYO PSYCHOSOCIAL........ 6
Casharka 1aad......................................................................................................................................................... 10
XANUUNNADA MASKAXDA (DHIMIRKA)..................................................................................................... 10
QOYSKA IYO XANUUNNADA MASKAXDA.................................................................................................. 11
Casharka 2aad......................................................................................................................................................... 12
CUDURKA QULUBKA – Depression................................................................................................................ 12
Casharka 3aad......................................................................................................................................................... 14
Waali iyo Qulub (Manic Depression)............................................................................................................ 14
Casharka 4aad......................................................................................................................................................... 15
Cabsida (Anxiety).................................................................................................................................................. 15
Casharka 5aad......................................................................................................................................................... 16
Laba-Miire (Schizophrenia)............................................................................................................................... 17
Casharka 6aad......................................................................................................................................................... 18
Daqad/Werwer (Stress).................................................................................................................................... 19
Casharka 7aad......................................................................................................................................................... 22
KHALKHALKA DHIMIRKA EE SAAMEEYAA CAAFIMAADKA JIDHKA?............................................ 22
Casharka 8aad......................................................................................................................................................... 24
XANUUNADA KEENI KARA IS-DILKA (SUICIDAL BEHAVIOUR).......................................................... 24
Casharka 9aad......................................................................................................................................................... 25
GOORTA & SIDA AAD U HELAYSO CAAWIMO......................................................................................... 25












Mahadnaq

Soo saarista qoraalkani wuxuu ku suurto galay hawl adag iyo dadaal xoog leh oo ay ka qayb qaateen Dad badan oo isugu jira Khuburo, Dhakhaatiir iyo Dadka ku hawlan mawduucan.

Waxaa kale oo iyana xusid mudan xeeldheerayaal aqoon kala duwan u leh Eray bixinta Afka Soomaaliga iyo ku hadalkiisaba. Runtii, la,aanta Eray bixin rasmi ah oo Afka Soomaaliga ah lana xidhiidha mawduucan ayaa keentay in la tashi balaadhan lala yeesho Dad badan oo ka kooban qaybaha Bulshada, iyada oo loo jeedo in la balaadhiyo fahamka iyo ka faa’iidaysiga Bulshada ee qoraalkan.

Dadaal kasta oo loo galay, hadana waxaa cadaynaynaa in aanu qoraalkani ahayn mid saxar la’ oo buuxa hadday noqoto tayada ama dhismaha Afka Soomaaliga ah ee uu ku qoran yahay, wuxuuse yahay bilow la rajaynayo inuu kuwa danbe gun dhig u ahaado. Sidaas darteed, waxaa naga cudurdaar ah in waxii dhaliilo ah si kastaba ha ahaadaane laysla saxo, ugu danbayn waxaan u mahad naqaynaa dhamaan inta aanan halkan kusoo koobi karin ee ka qayb qaatay hawshan. Xusid waxaa mudan kaalinta ay ka qaateen xubnaha ay ka mid yihiin; Dr. Mohamed A/Rahmaan, Dr. Siciid Saalax Abokor, Mohamed Mohamoud Farah (Madoobe), Shaqaalaha SHARE PARTNERSHIP iyo inta badan ee aan la magacaabin.

Anwar Haji Aawad


















Muqaddimo

Dhawridda fayoobida dhimirka ama maanka iyo barashadiisaba waa arrin muhiim ah, khaasatan dadka loo baahan yahay inay wax ka bartaan waa kuwa u tabaalaysan xanuunadaas, ehelkooda iyo mujtamacaba kaleba. Laga yaabee in siyaabaha ugu waxtarka roon ee loo waajoho cuduradanu yihiin u xogogaalnoqoshada iyo fahmidda siyaabaha lagu garto, si loo xaqiijiyo oo loo daweeyo. Waxa xaqiiq ah in barashada iyo aqoonta bukaanka iyo xanuunkiisu ay tahay qodobka ugu muhiimsan xagga bogsashada. Waxa taa sii dheer qoyska iyo ehelada qofka buka oo awood u yeesha inay geystaan taakulo leh tayo wax ku ool ah marka ay iyaga laftoodu fahamsanyihiin xogta xanuunka ilaa xad.

Iyada oo laga shidaal qaadanayo baaxadda iyo dhibaatada dhinacyada badan ee cudurada
dhimirka ee kala duwani waayadan dambe ku hayaan qof, qoysas iyo mujtamacaba. Iyo weliba tamar la’aanta jirta ee keentay inaan cuduradan wax badan dalk lagaga qaban karin, oo dadka cuduradanu haleelaan, qoysaskooda iyo mujtamacuba ay si weyn u wada darxumoodaan.

Ka dib markaanu aragnay sida ba’an ee xanuunada dhimirku u aafeeyeen bulshada guud ahaan yaanu itaalkayo ugu hawl galnay bal inaanu dhinaca baraarujinta wax ka geysano. ‘Wax yar taraa jir ee wax ma tare ma jiro’ xikmadda ah baa ka dambaysa dedaalka buuggan yari ku soo baxay.

Cudurada dhimirka oo tabaaleeya malaayiin dad ah caalamka sannad walba ayaa waayadan dambe cilmiga, aqoonta iyo daawayntiisu horumar xoog leh samaysay waddamada hore u maray. Xaqiiqduna waxay tahay in heerar isku dhow baniiaadamku soo wada maray taariikhii hore, marka la eego hadba wixii laga rumaysnaa xanuunadan sababtooda iyo daaweyntoodaba ilaa waqtigan xaadirka ah.

Waxan rajeynayaa in qoraalka buugan gaabani uu wax u taro ama wax ka qabto aafadan tabaalaysay dad badan oo innaga mid ah. Aqoonta loo baahan yahay in laga ogaado Dhimbirka kuma koobna

Aqoonta iyo baraarujinta hawshanu xambaarsan tahy waxy isugu jirtaa qoraal, maqal iyo muuqaalba oo loogu talo galay in Raadyowga iyo Telefishankaba laga sii daayo iyo weliba in loo isticmaalo tababarrada iyo shaqada baraarujinta bulshada. Waxana laga heli karaa macluumaadka la xidhiidha cinwaanka hoos ku qoran, cidii u baahatana waa ku dhiirigelinaynaa waana soo dhoweynaynaa.


Xarunta

SHARE PARTNERSHIP FOR PROGRESS
Hargeisa, Somaliland

RIIQDA AAFADA IYO DHACDOOYINKA ARGAGAXA LIHI REEBAAN IYO PSYCHOSOCIAL

Wareemidda, tumaatida, dirirta iyo dhacdooyinka kale ee argagaxa lihi waxy ku reebi karaan dadka masiibadu haleesho qaarkood riiq iyo raad turxaantiisu daba dheeraan karto wallowba muddo ka soo wareegto goortay dheceen. Inkasta oo ay qofba heer waxyeeladu u gaadho misana waxa hubaal ah in qoontu jirto, saamaynteeduna dhibi karto dadka qaarkii.

Saamayntu kuma eka marka qofka naftiisa dhibaato qabsato ee aragtida iyo ogaanshaha masiibo dhacaysa ayaa iyana dhaawaceeda yeelan karta. Dabcan dhacdooyinku way kala duwanaan karaan baaxad ahaan iyo asal ahaanba, sida saamayntooduba u kala duwanaan karto. Waxana laysu raacin karaa sida calaamaadku qofka uga muuqdaan caadifiyan (emotional) ama dabeeciyan (behaviour).

Dhacdooyinka Reebi kara Turxaanta

Dhibaatooyinka reebi kara riiqda turxaanta leh waa badanaan karaan sida baaxaddooduba u kala weynaan karto, waase xaalad qalafsan oo argagax leh oo nafta ama maalka ammaankoodu khatar galo. Waxa ka mid ah masiibooyinka dabiiciga sida; dhul-gariirka; daadadka/duufaanada; dabka; shilalka baabuurta ama dayuuradaha burbura; Daaraha duma iwm. Haddaba qodobadan naxdinta lihi uma laha inta badan riiq turxaan leh sida kuwa falalka xadgudubka ku ah karaamada, sharafta ama qadarinta shakhsiga ah ee qofka iyo falalka geysta xanuun iyo dhaawacba sida; jidhdil; kufsi; garaacid; toogashada; dhaca, gabboodfalada xiliyada dagaalka ee isir, jinsi ama diineed iwm.

Haddaba dhacdada dabiiciga ah waxyeeladeeda badanaa waa la garowsan karaa maadaama ay yihiin wax ka baxsan awoodda bini’aadamka. Laakiin dhibaatooyinka badheedh uu dad kale u geysto ayaa reeba riiq turxaaneed oo saxal leh.

Waxa loo yqaan (PTSD) ama Post Traumatic Stress Disorder oo badanaa lagu ururiyo dhibaatooyinkan ayaa waxa isa soo taraya in aanay micnuhu magacan ku koobnayn ee ay ka ballaadhan tahay.


PSYCHOSOCIAL

Kelmedda Psychosocial, waxay aafooyinka dagaalka ama dabiici saamayntiisa loogu eegaa si ka ballaadhan qof qudha oo saamaynta bulsho ee dhaqan, caqiido, dhaqaale ayay daaran tahay. Waxa la tixgeliyaa waxyeelada si kasta ha u muuqatee; ha ahaato dhinac psychology, carqalad ku timaada korriimada iyo barbaarinta caruurta, ku xadgudub xuquuqda, karaamada insaanka ama baaba’ ku yimaada waxyaabihii lafdhabarta u ahaa hab-dhaqanka iyo caadooyinka isku hayay bulshada

Haddii si kale loo eego psychosocial wuxu muujinayaa xidhiidhka psychologiga ah ee ka dhexeeya (fikirka, caadifadda iyo dabeecadda) iyo bulsha weynta aynu ku dhex nool nahay(xidhiidhada,caadooyinka iyo dhaqanka). Labadaa amuurood si xooggan bay isugu maran yihiin. Sidaa darteed marka masiibo dhacdo tanaa ka muhiimsan. halka laga qaadan lahaa aragtida ku kooban caafimaadka dhimirka. Aragtiyaha kale ee ay ka mid tahay ‘trauma’ waxay meesha ka saari kartaa arrimo kale oo ay ka mid tahay qaab-dhismeedka bulsho ee muhiimka u ah fayoobida buuxda.

Haddaba turxaan la’aanta psychosocil(fayobi) ee qof ama mujtamac waxa saameayntooda saldhigi u ah 3 Sadex qodob; 1) Mugga Insaanka (human capacity), 2) degaanka bulsho (social ecology) iyo 3) dhaqanka & qiyamka (culture & values).

Mugga Insaanka waxa ka mid ah fayoobida qofka maan ahaan iyo jidh ahaanba iyo weliba aqoonta iyo xirfadda qofka. Degaanka bulsho waa isku xidhnaanta dadka iyo kaalmada dadku wadaagaan oo kaalin muhiim ah qaadata. Dhaqanka & qiyamkuna waxay tilmaamayaan dhaqanka haga waayo aragnimada, fahamka iyo sida dadku u waajoho dhacdooyinka. Saddexdaa qodob way isku xidhan yihiin oo haddii isbeddel ku dhaco mid wuxuu saameeyaa kuwa kale iyo weliba guud ahaanba. Psychosocial waxa la tixgeliyaa dhinacyada mujtamac (social) iyo psychology ee fayoobida si loo hubiyo in sawirka qoyska iyo mujtamacuba ka muuqdo marka la qiyaasayo baahida guud ee masiibadu keento.

MASIIBADA CULUS

Masiibada culus waxa lagu xidhiidhiya dhacdooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin, dagaalada iyo barakaca oo dhibaatooyinka ay sababaan la arko in wax yeeladu sii socoto sanado badan marka ay dhacaan ka dib. Waxay keeni karaan isbeddelo muuqda, hantiyeed iyo dhaqaale bur-bur (physical, material and economic losses, kuwaas oo sababa culays ama bur-bur dhinaca kaabayaasha nolosha oo kedis ah. Xaaladdaasi waxay keentaa ugu yaraan inay daciifiso mugga insaanka sifo qulub, dhaawac ama dhimashoba. Kuwaas oo iyana saameeya xirfadda, aqoonta iyo kartida mujtamaca oo daciifta qoys iyo mujtamacba oo aan dadku awoodin inay baahidooda daboolaan ama isku tashadaan. Waxa iyana khalkhala xidhiidhka bulshada dhexdeeda oo saameeya dhinacyo badan. Waxa kale oo dhaawacma dhaqanka iyo maamuuska bulshada ka dhexeeya gaar ahaan marka lagu xadgubo xeerarka iyo tilmaanta diinta kolka dil/dhac iyo falal kale oo aan bannaanayn faraha lala galo xiliga dagaalada. Waxa taa sii dheer khalkhal guud oo isbeddel ku keena dhismihii mujtamaca, sida hoggaanka talada, haynta maaliyadda iyo awoodda oo faraha kala cayn wareega.

Waa in waxyaabahaas oo dhan la tixgeliyaa marka jaangoyn farogelineed la samaynayo si loo yareeyo khalkhalka dheeraadka ah oo ay keeni karto gurmad iyo afcaal ujeeddo waxtar leh. Sida badan waxa heyaduhu eegaan oo keliya baahida alaabo (material) oo keliya iyadoon xisaabta lagu darsan tan psychosocial ee mujtamaca aafaysay taas oo dhibkeeda leh.

Waxa saldhig u ah hirgelinta barnaamij waxtar sare leh hadba sida mujtamaca laftiisu talada looga qayb geliyo intaan dusha lagaga keenin mashaariic heyadi la roorayso oo waxtar daayo kharbudaad hor leh abuura ama sii cakira mushkilad jita.

FAALLO

Xanuunada ka dhasha la kulanka arrimo argagax qofka geliya ayaa dadka qaarba si u saameeya ama aafadoodu socoto waqtiyo kala duwan. Dadka qaar muddo gaaban ayay kaga kabtaan dhibaatada halka qaar kale ay muddo dheer ku qaadato oo aanay mucaawimo la’aan ladnaan karin, qaar kalena waxa suurtowda inaanay weligoodba ka bogsan Karin. Badanaa xanuunkanu wuxuu keenaa cabsi, argagax soo bood ah, selel xiliga hurdada iyo calaamaad kale oo qofka culays iyo dhibaato geliya.

DAAWEYN

Daaweynta cuduradani waxay inta badan ku xidhan tahay calaamaadka iyo noocyada xanuun ee qofku muujiyo. Daaweyntu waxay noqon kartaa mid ku eg hadal iyo talo-bixin ilaa daaweyn culus oo dhinaca dhimirka ah iyo weliba daaweyn ku aadan calaamaadka khaaska ah hadba sida ay u soo ifbaxaan. Qormooyinka hoose ayaa qaarkood si faahfaahsan u qaadaa dhigaya.

XUQUUQUL INSAAN

Eraygan Xuquuqul Insaan waxa suurtowda inaynu inbadan iyo meelo kala duwanba ka maqalnay hasayeeshee aan micnihiisa dhabta ahi inoo wada dhicin. Si aynu u fahamno Xuquuqul Insaan, waa inaynu jalleecnaa meeshuu ka yimid iyo waxa looga jeedo.

Taariikh kasta ha soo martee maanta xuquuqul insaan oo mabaadi’ iyo tiirar asaasiya leh ilaaladiisa iyo fulintiisana ay ku bahoobeen waddamada caalamka intooda badani oo xataa Somaliland ka mid tahay. Waa axdi la saxeexay oo Dawladaha iyo ururo caalami ahiba ku ballan qaadeen dhawristiisa iyo hirgrlintiisaba. Haddaba bal aan yare eegno qodobada asaaska u ah xuquuqal insaanka: Universal Declaration of Human Rights;




Iyadoo la aqoonsday u dhalashada karaamada iyo xuquuqda isku midka ah ee aan layska qaadi Karin ee u sugnaaday dhammaan xubnaha uu ka kooban yahay qoyska baniiadamku ay tahay bud dhigga asaaska xorriyadda, caddaaladda iyo nabadda adduunka.

Halka uu dhayalsiga iyo gabood-falka xuquuqul insaanku sababeen falal waxashnimo oo garaadka aadanuhu ka muraarad dillaaco, iyo curashada dhawaaqa laysku raacay ee sal u dhigga caalam Aadanuhu ku nefiso xuriyadda qawlka, rumaysnaanta, ka xorowga cabsida iyo fakhrigu yihiin yididiilada u saraysa ee qofka caadiga ah.

Halka xuquuqda insaanka uu ilaaliyo sharcigu, haddii aan cidna lagu khasbin inay dariiq kale maraan oo ah tallaabada u dambaysa ee layskaga rido heeryada cadaadiska iyo amar ku taaglaynta.

In kor u qaadidda horumarinta xidhiidh saaxiibnimo oo dhex mara dalalka caalamku noqdo lagama maarmaan.

In dadyowga Qaramada Midoobay xeerkan ku xaqiijiyaan aaminidda dhabta ah ee Xuquuqul Insaanka, sharafta iyo qiimaha ruuxa insaanka ah iyo xuquuqda sinnaansho ee ragga iyo dumarka iyo go’aan qaadasho dhab ah oo lagu xaqiijiyo horumar bulsho iyo xaalad nololeed sare oo leh xorriyad balaadhan.

In Waddamada xubnaha ahi wax tar dhab ah uga geysan lahaayeen horumarinta ixtiraamka, dhawridda xuquuqul iyo xurriyadda asaasiga ah ee qofka insaanka iyagoo la kaashanaya jimciyadda Qaramada Middobay.

In xeerkan xuquuqul insaanka iyo xurriyadda asaasiga ah ee qofku noqdaan kuwo la siiyo ahmiyadda u weyn si ay midho dhal u noqdaan. Sidaa darteed, Waxa golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay sharciyeeyay in dhawaaqan caalamiga ah ee Xuquuda Insaanku u noqdo dadyowga caalamka iyo quruumaha adduunkaba bartilmaameed dhexdhexaad dhab ah, lana gaadhsiiyo shakhsi kasta iyo xubin kasta oo bulashada ka mid ah, iyada oo taas maskaxda lagu hayona qofkastaa higsado ku baahinta iyo horumarinta xuquuqda insaanka iyo xorriyadda si horusocodnimo ah, heer dal iyo mid caalamiba si loo xaqqiijiyo baaqan caalami hirgelintiisa iyo u hoggaansankiisaba, muwaadiniinta dalalka xubnaha ka ah dhexdooda ama dadka xukumadooda hoos yimaadaba.
Xeerkii u horreeyay ee xuquuqul insaanka oo ka koobanaa 30 mawduuc lana ansixiyey 1948, waxa ku kordhay waxyaabo badan muddadii uu dhisnaa. Waxan halkan ku soo qaadayaa qodobka 1aad: Qof waliba waxu ku dhashay karaamo iyo xuquuq siman oo garaad iyo aqoon lagu mannaystay taas oo iskaashi walaalnimo salka u dhigi karta.



Casharka 1aad

XANUUNNADA MASKAXDA (DHIMIRKA)

Sida xanuunnada kala geddisan ee dadka ku dhaca ayaa xanuunnada maskaxduna qofka ugu dhacaan siyaalo badan oo kala duwan. Xanuunnada maskaxda weli cabsi baa laga qabaa, waayo khalad baa dad badani ka fahamsan yihiin, waase marxalad laga gudbi karo marka qofka aqoontiisu sii korodhaba. Waxa haddaba bushaaro lagu diirsado ah in dhammaan xanuunnada dhimirka la daaweyn karo casrigan aynu joogno ee
cilmigu horumarka weyn ku tallaabsaday.

Maxaa Keena Xanuunka Maskaxda?

Ma jiro wax qudha oo loo aanneeyo inuu keeno xanuunka maskaxda keli ahaan ee way badan yihiin siday noocyada cudurada kaleba u badan yihiin asbaabtoodu.

Sida Aad Ula Qabsanayso Astaamaha Xanuunka Qofka:

Badi dhaqannada aan caadiga ahayn ee qofka bukaa ku kacaa waa wax awoodiisa ka baxsan oo aanu waxba ka qaban karin.

Waxa la arkaa in qofkaaga bukaa facaayilkiisu mararka qaarkood asxaabta ama jaarka kugu hor ceebeeyo. Ma taqaanid wax aad u sheegto waayo ma rabtid in dad qalaad ogaado arimaha u gaarka ah qoyska iyo qof idinka jirran toona. Dad badan baa ka go’a bulshayn iyo baashaal marka qof qoyska ah madaxa laga hayo oo aan jeclaysan in qofna guriga kusoo booqdo.

Si kasta oo ay u adag tahay in aad qof qoyska ah xogtiisa ka waranto, hadana ma fiicna inaad naftaada go’doomiso. Waxa loo baahan yahay inaad dadka la hadasho oo kala hadasho xanuunka, sida loo dawaynayo, dhibta adiga iyo dadka kaleba ka mutaystay qofka buka iyo dhaqankiisa.

Qofka bukaa haddii uu awood u leeyahay wuu ka gudbi lahaa heerka uu joogo. Nasiibdarro ma samayn karo taas. Waxa aad guriga ugu qaban karto qofka bukka waxa marar badan soo xaddidaya dhaqankiisa. Haddii qofka buka uu dhaqankiisa naftaada ama cid kaleba halis gelinayo HA DHAYALSAN ee talaabo haboon qaad oo ka fikir inaad geysid cusbitaal ilaa inta dhaqankiisa wax iska doorinayo oo uu ku soo noqonayo heer aanu cidna halis gelinayn.



QOYSKA IYO XANUUNNADA MASKAXDA
Werwer baa jira guriga uu joogo qof maskaxda laga hayaa. Haddii uu yahay aabbe, hooyo, ilmahaaga, walaashaa ama walaalkaa, waxaa hubaal ah in xanuunka hayaa saameeyo noloshaada. Qofka maskaxda laga hayaa wuxu had walba u baahan yahay caawimo, taakulo iyo kalgacal. Waxa isla markaa jirta in dhibi kaa soo gaadhayso dhaqanka qofka buka oo ay saamayn karto dulqaadkaaga iyo awoodda aad dhaqankiisa kula qabsan lahayd.

Xanuunnada maskaxdu waa kala duduwan yihiin, mid waliba astaamo gaar ah ayuu leeyahay. Qofka marka xanuunku hayo wuxuu noqon karaa qof dhib iyo tabasho badan ama qof isku maqan oo aan far loodin karayn. Astaamaha kala duduwan ee xanuunnada awgood, dhaqanka qofka bukaa wuu isbed-beddelaa.

Kaalmada Qoyska

Xubin kasta oo ka mid ah qoyska haya qof maskaxda ka jirran waxa saaran culays weyn. waxa la arkaa inaad ka werwerayso sida qofka bukaa u dhaqmi doono, tusaale: haddii uu dagaal, af-xummo ama dayac ku keeno xagga badbaadada iyo xasiloonida. Waxa la arkaa inaad isku aragto qulub, cadho ama cabsi-aan-sal-lahayn haddii uu guriga ku nool yahay qof maskaxda ka jirrani.

Waxa jira beelo samaystay Kooxo Kaalmo oo iskood isu caawiya, kuwaas oo haya dad maskaxda ka jirran waayo aragnimana u leh xaaladda. Si weyn baad uga faa’iidanaysaa haddii aad dadka kale la wadaagto xogta iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin xanuunka maskaxda iyo wixii kale ee ay bulshadu hayso in wax lagaga qabto.

Jidka kale ee banaani waxa weeye inaad hesho qof kaa talo siiya, kaana caawiya sidii aad ula socon lahayd qulubka, cadhada iyo cabsida aad dareemayso ee kaaga imanaysa daryeelka iyo gacan qabashada qofka maskaxda ka jirran.

Wixii Intaa dhaafsiisan, eeg bogga ugu dambeeya.













Casharka 2aad

CUDURKA QULUBKA – Depression
Dadka uu ku dhufto cudurka qulubku waxa lagu yaqaan calaamado ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qorani:

1 Dareen qulub joogto ah, madhnaan, niyad jab iyo madluum aan sabab muuqata lahayn
2 Xiise dhac ku yimaada hawlihii markii hore la hayn jiray
3 Cunto qaadashada oo ama si weyn u yaraata ama u korodha taas oo keenta miisaanka oo yaraada ama kordha
4 Gama’ oo adkaada iyo hurdada oo yaraata
5 Daal fara badan iyo awoodda waxqabad oo yaraata
6 Dareen in aan cid caawin kartaa jirin iyo rajo la’aan nololeed
7 Waxa adkaata wax u fiirsiga, dhugta iyo fekerka oo hal meel laysugu duwo
8 Wax qabadka iyo wax soo saarka oo aad hoos uga dhaca halkii hore
9 Waxa adkaada in si fiican loo fekero iyo go’aan qaadashada
10 Ilawshiinyo fara badan
11 Walbahaar badan oo ay ka mid tahay dhimasho ama isdilid
12 Qofka oo hoos isu qiimeeya, is xaqiraad iyo dareen madhnaansho leh
13 Qofka oo ay kaga dhegto xaaladihii tegay ama la soo dhaafay
14 Xiisaha galmada oo yaraada
15 Joojinta xidhiidhada Dadka kale la leeyihiin
16 Waxay muujiyaan calaamadaha xanuuno kale sida madax xanuun, calool xanuun iyo lafo-xanuun

Warar dheeraad ah oo ku saabsan Qulubka

Cudurka qulubka waxa dunida laga yaqaanay muddo dheer oo kumanaan Sanadood ku siman isagoo ku qoran kutub badan oo hore looga isticmaali jiray caalamka. Waxa ka qabashadiisa oo heerar badan soo martayna maanta waxay maraysaa meel fiican. Waxa jira dawooyin tayo fiican iyo habab kale oo lagula tacaalo cudurkan.

Yuu ku dhacaa Cudurkan Qulubku

Da’ kasta, aqoon kasta, heer dhaqan-dhaqaale, lab iyo dheddig mid kastaba wuu ku dhacaa cudurkani, waxase la moodaa inu dumarka u yar badan yahay. Waxa cudurkan loo kala saari karaa qaybahan:

a. Qulubka fudud
b. Qulubka meel dhexaadka ah
c. Qulubka culus

Daaweynta Cudurada Qulubka

Hababka Cudurada qulubka loo daweyn karo waxa ka mid ah siyaabahan:
a. Hab nafsi ah oo la isticmaalayo hadalka (psychotherapy)
b. Habka dawada oo la isticmaalayo dawooyin
c. Koronto xambaarsan mawjado laydh (ECT)

Fiiro Gaar ah:

Haddii aad isku aragtid calaamadaha aynu soo sheegnay ama aad ku aragtid qof ka mid ah qoyskaaga, qaraabada, asxaabta, jaarkaaga ama dadka aad wada shaqaysaan waxa habboon in lala xidhiidho rugaha caafimaadka ee kuugu dhaw.




































Casharka 3aad

Waali iyo Qulub (Manic Depression)

Cudurada waali iyo Qulub waxa lagu yaqaan qofka ay ku dhuftaan oo marna yeesha calaamadaha aynu ku soo sheegnay Qulubka marna yeesha calaamadahan:

1 Dareen siyaado ah oo xambaarsan farxad, awood badan iyo rayn-rayn
2 Xaalado cusub oo ka duwan sidii qofka lagu yiqiin
3 Isku kalsooni fara badan iyo awood buun-buunsan oo qofku dareemo
4 Qofka oo la yimaada barnaamijyo waawweyn oon macquul ahayn
5 Hurdo yaraan iyo baahida hurdada oo yaraata
6 Hadal badan oo aan mararka qaarkood xidhiidhsanayn ama aan la fahmi Karin
7 Fikirka iyo hadalka oo labaduba deg deg noqda oo marba meel qabsada
8 Qofka oo ay majaraha si fudud uga baydha oo wax yari jeedin karaan
9 Feejignaan dheeraad ah oo jidh iyo maskaxba leh
10 Xidhiidhka bulshada iyo dadka kale oo faro bata

Faallo:

Dadka uu haleelo xanuunkanu waxay u dhexeeyaan labada daraf ee marna ah waalida, marna ah qulub ‘dareen marna ka ugu sareeya ah marna ka hooseeya dareenka ugu hooseeya’. Marka ay kacsan yihiin waxay dareemaan inay joogaan meel dunida ka saraysa; mirqaan faraweyn, awood xoog leh iyo ayaga oo ku qanacsan inay waxkastaa suurto gal u yihiin.

Daaweynta

Cudurkan waxa loo daweyn karaa siyaabo aan ka fogayn sida loo cilaajo Qulubka iyo Waalida. Waxa kaloo loo daweeyaa hadba sida astaamaha muuqdaa yihiin.

Fiiro Gaar ah:

Dad badan oo cudurkanu haleelo ayaan yaqiinsan inay xanuun culus qabaan. Qaar iyagaa ayaa isku canaanta jileec ama liidnimo naftooda ah oo ku waajahan aafada cudurka. Qaar kalena waxay u jeestaan balwad xad dhaaf ah. Niyad jabka cudurkanu keeno ayaa dad badan ugu wacan garasho la’aanta ama u dhaqaaqa dabiib iyo wax-qabad. Waxa haboon in qoysku go’aanka qaato oo qofka buka lala doonto wax-qabad iyo dabiib.



Casharka 4aad

Cabsida (Anxiety)
Cudurka cabsida ama “Anxiety Disorder”, waxa lagu yaqaan inu u keeno qofka uu haleelo calaamaadka soo socda:

1 Qofka oo ay haleesho xilliyo cabsi xoog lihi ku soo boodo, garaaca wadnaha oo kordha, laab xanuun, dhidid fara badan iyo calaamaad kale oo dhib leh
2 Qofka oo ka baqa in kantaroolku ka lumo, waasho ama dhintoba xilliyada xanuunkanu ku soo boodo
3 Qofka oo ka werwera inu galo xaalado ceeb leh ama meelo ay adag tahay si looga baxaaba
4 Ka caagid meelaha/waxyaabaha qaar baqdin darteed
5 Xaalado ama walxo uu qofku si gaar uga baqo iskana maanaco
6 Qalo (Istakoor) xad dhaaf ah oo keenta ka werwer ilaadinta ama kaftanka/qaraaxadda dadka
7 Qalo darteed oo qofku maanaco kana taxadaro meelaha daku ku kulmo
8 Baqdin xoog leh oo qofka ka jarta inu dadka hortooda wax ka sameeyo sida ciyaarta oo kale
9 Dareen aan kala go’ lahayn oo baqdineed, taxadir, firkanax ama deganaansho la’aaneed
10 Falalka iyo xaaladaha qaar oo ku abuura werwer weyn
11 Qofka oo xukumi kari waaya walbahaarkiisa
12 Dhug la’aan
13 Calaamado jismi ahaan muuqda sida muruqyada oo taagma
14 Gama’a ama hurdada oo dhib noqda, hurdo iska waa

Faallo:

Waxa caadi ah inay jiraan waxyaabo ama falal qofka ka nixiya oo baqdin gelin kara, laakiin dadka uu haleelo cudurkani waxay la kulmaan argagax aan sabab lahayn oo kedis ah. Inkasta oo qof waliba ay la soo dersi karaan cabsi mararka qaarkood, hadana dadka cudurkani qabaa waxay la kulmaan dhibaatooyin culus oo cabsida la xidhiidha.

Anxiety Disorders oo ah kuwa ugu badan xanuunadan dhimirka, waxay sababaan xaalado aan la qiyaasi karin dhibkooda oo cabsi kusoo booda ah oo aan sababo lagu fasiri karo lahayn, kuwaas oo curin kara calaamado u muuqda jidh ahaan iyo nafsi ahaanba.

Sidee loo Daweeyaa Xanuunadan

Xanuunadan cabsida marka la xaqiijiyo waxa lagu daweyn karaa habab kala duwan oo ay ka mid yihiin qancin nafsaani ah, dawooyin ama labadaba hadba sida qofba yahay








































Casharka 5aad

Laba-Miire (Schizophrenia)
Xanuunkan oo ka mid ah kuwa ugu daran xanuunnada dhimirka wuxu saameeyaa dad fara badan oo ku nool Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn sida caasimadda Hargeysa. Xanuunku wuxuu leeyahay astaamo caan ah oo lagu garto, sida; fikradda/hadalka oo ka qasma qofka, isaga oo aamina wax aan macno samaynayn, arka ama maqla wax aan jirin, iyo isaga oo u dhaqma si aan caadi ahayn.

Xanuunku wuxu badanaa ku dhacaa labaatan ku dhowaad iyo da’da labaatan ku jirta. Dadka qaar mar keliya ayuu si xun u qabtaa. Qaarna inta ay nool yihiin marar badan ayuu qabtaa, laakiin marka aanu hayn noloshoodu waa caadi. Xanuunkani dadka qaar wuxu ka dhigaa sidii wax naafo ah oo aan awood lahayn.

Dadka qaba xanuunka waxa lagu yaqaan calaamadahan:

1 Qofka oo arka, maqla ama dareema codad iyo dhawaaqyo aan jirin
2 Si xooggan ugu adkaysta aaraadiisa inkasta oo ay caddahay xaqiiqda tusaysa inay tahay dhalanteed
3 Aan awoodin inu u fekero si toosan ama feker khal khal
4 U hadla si aan la fahmayn, iskuxidhnayn oo isku filiqsan
5 Qofka oo sameeya dhaqdhaqaaq aan macno lahayn; ama aan hadlin ama dhaqdhaqaaqa jooja
6 Jila erayo ama ficil dad kale oo ku cel celiya
7 Muujiya wax yar oo dareen ah haddiiba; kuna jowaaba caadifad aan haboonayn
8 Aan awoodin inu dhammeeyo hawl oo aan lahayn raqbad
9 Waxqabadka oo aad hoos ugaga dhaca sidii hore, xagga shaqada, bulshada – xidhiidh dadka iyo xanaanada naftiisa
10 Calaamaadka daqadka culus ama dhawr xanuun oo kale oo ka muuqda

Wuxu la yimaada khayaal la xidhiidha nolosha dhabta ah sida; iyada qofka la daba socdo, la sumaynayo, buko, meel dheer laga jecel yahay ama uu qofkay isqabaan khiyaamaynayo.
Daawada ugu weyn ee xanuunka waa “anti-psychotic medication”. Dadka qabana jiradan waxa loo gudbiyaa cusbitaalada iyo hay’adaha bulshada oo ay ke helaan talo kana baartaan astaamaha xanuunka.


Fiiro Gaar ah:

Xanuunkanu wuxu qof kasta oo uu haleelo u qabtaa si gaar ah. Dadka qaar waxa ka muuqda astaamo sahlan halka qaar kale ay la kulmaan xanuun culus. Isla bukaan qudha ayuu xilliyada qaar saamayntiisu fududahay halka mararka qaarna ay culus tahay.

Xubnaha qoyska asxaabta dhow ayaa inta badan u hor dareema isbedelka ku yimaada qofka cudurkanu haleelo oo yaqiinsada hadba intay le’eg tahay waalida qofka buka.








































Casharka 6aad

Daqad/Werwer (Stress)

Badanaa afka kama dhigno erayga werwer (stress), hase yeeshee marar badan ma cadda waxa aynu uga jeedno. Waayo werwerka marka wax fiicani dhaco iyo marka wax xumi dhacaba waa la dareemaa. Werwerku nolosha waa ka badh! Haddii aynaan dareeminna, nolol ma tirsan karno. Werwerku wuxuu dhib noqdaa marka aad u maara weydo arrin ama wax ka qaban kari weydo. Waa marka kolkaa fakir kugu bilaabaa, waana kolka aad “werwer” dareentaa.

Marar badan waxa adiga werwer kugu hayaa uma muuqdo dadka jaarkaaga ah, waxa iyaga werwerka ku haayana adiga kuguma hayo. Waxay ku xidhan tahay sida aad arrin kula soo gudboonaatey uga fakirto ama wax uga qabato. Haddii ay sahal kuu noqoto waa fiican, haddii kale waa ka werweraysaa. Werwerku guud ahaan caafimaadka qofka dhinac ay tahayba, jidh iyo maskaxba wuu u daran yahay, sidaa awgeed waxaad u baahan tahay inaad barato sidii aad isaga celin lahayd dhibkiisa haddii uu ku helo.

Aan Isla Fahamno Werwerka

Waxa muhiim ah inaad dareento ama barato waxyaalaha kula soo kulma inta aad nooshahay. Werwerka iyo xaaladaha werwerka kugu ridi kara waxaad si fiican ula tacaali kartaa marka aad fahamto naftaada iyo waxyaalaha naftaada ku ridi kara werwerka. Ku bilow taas adiga oo mid mid u soo qaadanaya waxyaalaha werwerka kugu dhalin kara, sida:

1 Xaaladaha waaweyn ee ilaa hadda ku soo maray: aqal galka, shaqada hawleheeda, hoyga oo aad ka guurto, furitaanka, ama qof aad jeclayd oo dhinta iyo sida aad uga soo kabanayso.
2 Xaaladaha werwerkoodu kugu dheeraado: mustaqbalka ilmaha, dhibaatada dhaqaale, ama bukaan joogto ah.
3 Mushaakilka maalin joogga ah: jid xidhanka gaadiidka, dadka qafalka xun, qalab ama wax kuu shaqayn waaya oo ku xanniba markii aad u baahnayd.

DAREEN-CELINTA WERWERKA

Waxa si isdaba joog ah ugu dhaca jidhka is-bedel marka aad la kulanto dhacdo ku werwer gelisa. Xaaladahaasna waxa la yidhaahdaa dareen-celinta werwerka. Saddex marxaladood bayna u dhacdaa, kuwaas oo ah:
Marxaladda 1aad—Isu-duubidda Tamarta
Wuxu marka hore jidhkaagu sii deynayaa dheecaan (adrenaline), wadnuhuna aad buu kuu garaacayaa, waxadna bilaabaysaa inaad aad u neef tuurto. Taasi waa fal celin ka dhalata dhacdo xun ama wanaagsan oo aad la kulanto, sida habeenka ka horeeya aqalgalkaaga ama maalinta shaqada lagaa joojiyo.

Marxaladda 2aad—Gubidda Kaydka Tamarta
Si kasta ha u dhacdee, haddii marxaladda hore kugu habsato, wuxuu bilaabayaa jidhkaagu inuu sii daayo kaydkii sonkorta iyo dufanka. Waxaad kolkaas dareemaysaa culays iyo daal. Waxana la arki in, si aan loo baahnayn, aad u cabto sigaarka, koofiga iyo balwadaha kale. Waxa kale ee la arkaa in, si ka badan sidii caadiga ahayd, aad isku aragto baqdin-aan-sal-lahayn, xusuus la’aan, iyo hargabka oo aad qaado.

Marxaladda 3aad—Kaydka Tamarta oo Gudha
Haddii aad wax ka qaban waydo dhacdooyinka werwerka kugu keena, waxa dhaci kara in jodhkaagu u baahdo tamar ka badan inta uu samayn karo, kolkaana waxad noqondoontaa qof aanu werwerku ka qoob qaadin.waxa la arkaa in aad marxaladdan isku aragto hurdo la’aan, kas xumo iyo isbedel dabci. Waxa kale ee la arkaa inaad yeelato cudur halis ah sida xanuunnada wadnaha, caloosha iyo maskaxda.

LA QABSIGA WERWERKA

Dadka qof waliba kan kale waa ka duwan yahay, sidaa awgeedna ma jiro hab sax ah oo qof walba u cuntamayaa. Sidaa ay tahay waxa jira waxyaalo badan oo si kala duwan loo qaban karo. Si aynu hadaba u dhinno werwerka waxa aynu u baahan nahay oo si weyn innoo anfacaya in aynu eegno wixii lagu xallin lahaa duruufaha, waqti dhow iyo mid dheerba.

Aqoonso waxa dhibta kugu haya. Ma shaqadaa, ma lacag baa, mise qof aad xidhiidh leedihiin baa u sabab ah werwerkaaga? Ma arrimihii kuu muhiimka ahaa bay hadheeyeen mise kuwii yar yaraa? Marka aad si fiican u xaqiijiso halka sartu ka xun tahay bay hubaal kuu suurtogaleysaa inaad xal u hesho.

Xal u raadi dhibaatooyinka. Bilow inaad ka fakirto xal. Maxaad qaban kartaa, maxayse ku dambayn? Ma shaqo ka werwer yar baad doonataa? Ma talaad uga baahan tahay xagga guurka? Ma waxad u baahan tahay inad la hadasho qof khabiir ku ah arrimaha bulshada? Maxaa dhacaya haddii aad waxba qaban weydo? Haddii aad raacdo tubtaa xal raadinta, waxa dhici karta inay wax is dooriyaan oo aad naftaada werwerka ka rogto. Waa wax qofl waliba mustaqlbalka fog ku himiloonayo inuu wax qabsado.

Ka hadal dhibaatooyinkaaga. Waxa la arkaa inay kuu wanaagsan tahay inaad ka hadasho werwerka ku haya. Qoyskiina iyo asxaabtaadu waa la arkaa in aanay ogaan dhibta ku haysata. Markase ay ogaadaan waxa la arkaa inay laba siyood midkood kuu caawiyaan: waa tan hore ee inay ku dhegeystaan si aad u cabirto dareenkaaga, mar labaadkana inay kuu so jeediyaan wixii ay xal u arkaan. Haddii aad rabto inad la hadasho qof ka baxsan qaraabada iyo asxaabta, Dhakhtarka ayaa kuu gudbin kara qof kaala taliya caafimaadka maskaxda.

Baro sida werwerka loo maamulo. Waxa jira buugaag, macluumaadka iyo tabobarro leh kaa caawinaya sidii aad ula qabsan lahayd werwerka. Waxa kale oo jira dad ku takhasusay werwerka iyo tabobarro ay bixiyaan oo laga yaabo inaanay ka fogayn meesha aad degen tahay oo ku saabsan sida aad u maamulayso werwerka.

Ka nasi maskaxda dhibaatooyinka. Waxad kari kartaa inaad maskaxda mararka qaarkood ka nasiso werwerka oo is mashquuliso. Haddii aad isku maaweeliso waxa aad hawaayad u leedahay ama cayaaro ama shaqo, waxey maskaxdu helaysaa fursad ay ka baxdo jawigii werwerka oo nasato. Haddii aaad ka neefiso maskaxda oo ka saarto fakirka dhibaatooyinka ku haysta intii waqti ah, waxa dhici karta inay kuu sahlanaato inaad kadib xal u hesho.

Is deji ama iska dhin culayska. Waxa si weyn kaaga dhimi kara werwerka waxqabadka iyo dhaqdhaqaaqa guud. Tusaale: minja-baxsi-socod, cayaar aad u baxdo, beer aad qoddo iyo guriga oo aad nadiifiso. Waxa kale ee ku caawin kara adiga oo barta jimicsiga aad ku nefisto. Kan ugu sahlani waa adiga oo neef badan sii daaya –soo nuuga ilaa aad kari waydo, kadibna afka aad kasii deyso. Jimicsi kale samee –iskala bixi oo debci xubin kasta oo jidhka ah, ka bilow luqunta kuna dhammay ilaa lugaha; neefso marka aad iskala bixinayso, hawadana qaado oo soo nuug kolka aad jidhka debciso.

Haddii aad caadaysato inaad naftaada culayska ka qaaddo, waxad arkaysaa iyada oo werwerku kaa yaraaday, oo isla markaa aad awood u yeelatay inad xal u hesho dhibaatooyinkii werwerka kugu bilaabay.

KA HORTAGGA WERWERKA
Waxa fiican marka aad heerka werwerka hoos u dhigto inaad raadiso siyaalaha aad kaga hortegi lahayd in aanu mar dambe isbiirsan oo kugu noqon. Sida ugu fiican ee aad ula qabsanaysaa werwerku waa iyada oo aad ka hor tagto oo joojiso. Siyaalaha u fiican ee aad taas ku samayn kartaa waxa weeye:

1 Go’aan ka gaadh. Go'aan-qaadasho La’aanteed waxad halis u tahay inu kugugu dhaco werwer
2 Ha kala goyn waxa aad qabanayso. Jadwal u samey todobaadle ah oo ay ku jiraan hawlaha aad sida joogada ah u qabato iyo kuwa aad waqtiga aad rabto qabato.
3 Hawsha qaybi oo cid u xil saar. Hawlaha si aad caadi ugu qaban karto si aanay adiga keligaa kuugu soo wada baxsan.

Waxa aad xasuusataa inaanay jirin nolol ka madax banaan werwer. Ku dadaal in yoolkaagu noqdo inaad iska jirto marxaladda sadexaad, taas oo gaadhsiinaysa jidhkaaga in kaydka tamarta uu ka gudho. Haddii aanad ku riiqan marxaladda sadexaad ee fal-celinta werwerka, waxa la arkaa inaad ka badbaado werwer kula soo dersa.


Casharka 7aad

KHALKHALKA DHIMIRKA EE SAAMEEYAA CAAFIMAADKA JIDHKA?

Khalkhalka maanku wuxu u saamayn karaa jidhka siyaabo ay ka mid yihiin kuwani:

1 Waxay had iyo jeer ka wer weraan qabista xanuuno xun, inkasta oo baadhitaanka caafimaad ka helin wax cilad ah
2 Rumaysnaan in qaybo jidhkooda ka mid ahi fool xun yihiin ama iimo laxaad leh qabaan in kastoo aan wax khaldan lagu arag
3 Qabitaanka dareen xooggan oo ah inay wuxuun jidhkooda ka guracan yihiin xataa sida xundhurta, kamasta iwm.
4 Cabashooyin dhib leh oo iineed haddana aan lahayn raad xaqiiq ah
5 Astaamo dareen oo aan la sharixi Karin sida, aragga, maqalka, liqidda ama dhaqdhaqaaqa oo liid noqda
6 Khajilaad ama ka sheexid astaamo duleed ama nafsaani ah oo naftooda ama qof kaleba ah

Faallo:
Haddaad naftaada ama qof kuu dhow ku aragto astaamahaas waxa suurtowda in cilladu tahay khalkhal dhimirka ah oo saameeyay jidhka. Waxaynu aad ugu eegi doonnaa hoos.

Ma aha qeyrul caadi in qofka ay la soo deristo marxalado wer wer leh oo keeni kara hurdo la’aan iyo walaacba. Haddaba tan iyo tan dhimirka ah ee aynu halkan kaga hadlaynaa waxa kala sooca guud ahaan laba qodob; 1), baaxadda iyo muddada xanuunku socdo. 2) Xanuunkanu wuxu leeyahay qaybo iyo noocyo badan oo kala duwan, laakiin waa guud mar ujeedadu imminka

Daaweyn:
Xanuunkanu wuxu ku dhici karaa dad ku kala geddisan waxyaabo faro badan, markaa daaweynta xagga dhimirku waxay noqonaysaa mid ku haboon qofka. Dawaynta kale ee caafimaadna waxa lagu aaddiyaa calaamaadka iyo nooca cudurka.

Fiiro Gaar ah:

Waxa dhacda in cabashada joogtada ah ee qofka uu xanuunkani asiibaa dadka aad ugu dhaw khaati ka dhigto, marar badanna wax yeelayso xidhiidhkooda. Khaasatan waxa qofka catowgiisa laga khatoobaa marka badhitaanada caafimaadka ay ka muuqan weydo asbaab la xidhiidha cabashada qofka buka.













































Casharka 8aad

XANUUNADA KEENI KARA IS-DILKA (SUICIDAL BEHAVIOUR)

Dadka jiradanu hayso astaamaha lagu garto waxa ka mid ah calaamaadkan:

1 Dareen laxaad leh oo rajo la’aaneed
2 Isnicid nafsaani ah
3 Dareen murugo iyo qulub oo aan saamixin waxqabsasho
4 Qofka oo balwadi qaadato
5 Kala go’ dadkay aad isugu dhowaayeen
6 Hurdada, cuntada iyo dhaqanka qofka oo deg deg isu beddela
7 Noqda maqane jooge
8 Ka hadal is-dilid
9 Ku mashquula fikirka dhimashada
10 Wax qabadka shaqo ama waxbarasho oo hoos u dhaca
11 Asxaabta oo la jaro
12 Ka fadhiisasho xarakaadkii caadiga ahaa
13 Aan danyan dayacana bilicda naftiisa
14 Dhug la’aan
15 Astaamo jismi ah sida, madax xanuun iyo daal fara badan
16 Muujiya dareen xooggan oo godobeed ama ceebeed
17 Dagaal, cadaawad iyo gedood (siiba da’ yarta)

Faallo:

Waxay cilmi-baadhayaashu isku dayeen sababaha keena in qofku is dilo, hase yeeshe waxa la ogaaday inaany jirin sabab qudha oo loo aanayn karo arrintaas. Waxase la tilmaamay in arrimahani lug kulahaan karaan xanuunada dhimilka, astaan dabeecadeed, arrimo la xadhiidha hida sidayaasha layska dhaxlo, bukaan iyo culays dhinaca bulshada ama waayaha ah.

Dawayn

Qofka haliista u ah inu is dilo waxa jira siyaabo kala duwan oo loo caawin karo marka la ogaado xaaladiisa. Waxaana ka mid ah:

1 Xog-ogaansho, Cilaaj-nafsi, iyo tallooyin qofka u horseeda inu ka gudbo marxaladda ama xaaladdaha adag ee la aqoonsado inay sal u yahiin dhibatada.
2 Daawayn qofka qaba xanuunada dhimirka ama kuwo kalaba.




Casharka 9aad

GOORTA & SIDA AAD U HELAYSO CAAWIMO

Inta badan waxaynu xal u doonnaa dhibta maalin walba inna soo food saarta innaga oo aan cidna caawimo uga baahan sidii aan ula qabsan lahayn. Laakiin marar baa jirta talo fara ka haaddo oo aad u taag weydo. Waxa ka mid ah marka qof la soo dhaco jirro xun ama shil dhaco, ama qof aad jeceshahay geeriyoodo oo ay si halis ah acsaabtu u kacdo, awood ma haysid aad waxa kaga qabato, kolkaa waxaad si deg deg ah ugu baahanayhsaa caawimo ku meel gaar ah.


SIDEE KU OGAANAYSAA INAAD CAAWIMO U BAAHAN TAHAY?

Marbaa jirta aad garanayso waxa aad u baahan tahay. Waxa kale oo jira marar ay dhib kugu tahay inaad garawsato inaad caawimo u baahan tahay. Taasi waxey gaar ahaan noqon kartaa arrin ku xidhan shucuurtaada ama xagga maskaxda. Waxa tusaale noqon kara waalid da’dii ku biyo keentay oo u baahan in la caawiyo ama qof qulub hayo.
Waxa halkan ku taxan qaar ka mid ah sababo aad ku og’aansan karto inaad caawimo u baahan tahay:

1 Marka aad aragto adiga oo dareemaya in cadho iyo rajjo la’aani kugu habsatay oo ay kaa horjoogto inaad ku raaxaysato nolosha macaankeeda.
2 Waxad ahaan jirtay qof caafimaad fiican, waxadse aragtaa inad hadda dareemayso xanuun yar yar, shaqadiina aad marba marka ka sii dambeysa aad goynayso.
3 Waxad aragtaa in habkii aad lacagta u maamuleysay kaa fara baxay, waxadna ka werweraysaa inaad bixin kari weydo biilasha bisha soo socota.
4 Guriga xasarad iyo iska horimaad badan baa ka jira. Waxad aad uga cabsi qabtaa furitaan iyo qoyska oo burbura.
5 Balwad baad aad u isticmaashaa ama maandooriyaal kale baad ku lug leedahay.
6 Waxad dareemaysaa naf nac iyo inad is-disho.

WAA NOOCMA CAAWIMADA AAD HELI KARTAA

Siyaalo kala duwan baa laguu caawin karaa. Gaar ahaanna waxad ka helaysaa caawimada aad u baahan tahay xubnaha ama kooxaha soo socda:

Takhaatiirta Xanuunnada Maskaxda (Psychiatrist)

Markay suurto gal tahay Dhakhtarada iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa kuu diraya kuwo si gaar ah loogu tababaray baadhidda iyo daaweynta xanuunnada maskaxda. Dhakhtarkaas ayaa xanuunkaaga wax ka qabanaya isagaa ama daawo kuu qoraya ama kuu diraya qof talo iyo tilmaan kaa siiya sida ugu haboon ee aad kula tacaalayso ama isugu kaa daraya labadaba.


La-Taliye ku Gacan Qabta (Psychologist/Social worker)

La-Taliyuhu waa qof haysta aqoon sare ama diktoor ah—hase yeeshee ma aha takhasuskiisu daaweynta iyo qalliinka dadka. La-taliyuhu wuxu isticmaalaa hab talosiin iyo isugu jira siyaalo kale oo aan daawo la isticmaalayn.

Kooxda Iskaa Wax u Qabso

Waxa la arkaa inay si weyn kuu caawiso haddii aad ku biirto koox iskaa-wax-u-qabso ah. Waxey kooxuhu yeeshaan aqoon wadaag iyo isla tashi kasoo jeeda waaya aragnimada ay u leeyihiin qulubka, werwerka, urgumada kufsiga, cunto-qaadasho xumo iyo cabsi uu qofku sabab la’aan uga baqo walxo, xayawaano iyo xaalado aan jirin. Hay’adaha ay ka mid tahay SHARE ee Somaliland iyo kuwo kale ayaa war kaa siin kara kooxaha iskaa-wax-u-qabso ee deegaankaaga ka jira haddii aad doonayso inaad la kulanto. Waxad kale ee raadin kartaa haddii ay jirto hay’ad qaran oo ku lug leh wax ku saabsan dhibta ku haysata.

Caawimada aad Ka Hesho Asxaabtaada iyo Dadka Kale

Waxa marar badan kuu noqon karta kaalmo wayn caawimada ay kuu fidiyaan xubnaha qoysku, asxaabtaada ama dadka kale ee aad isku xidhan tihiin. Dadka qaraabada ah ama aad isugu dhowdihiin ayaa kuu sheegi kara meesha aad ka helayso caawimada.


SHARE PARTNERSHIP FOR PROGRESS

Haddii aad war intaa ka badan u baahan tahay la xiriir xarunta SHARE PARTNERSHIP FOR PROGRESS
Cinwaanka boga hore ku xusan

3


Anwar Awad

Director- SHARE Partnership for Progress. To design, manage and implement a holistic post war social integration and rehabilitation programmes in war torn societies of Somaliland in the following: Community health and psychosocial rehabilitation work and training; Child/youth care and education; Women empowerment programs; Support for human rights groups, the war crimes commission and public education. Support to psychosocial and post war youth reintegration work in Somaliland.

Test

Test Page